You are here: HomeS/ItobiyaDhacdooyin Xasuus mudan,2012

Dhacdooyin Xasuus mudan,2012

Published in S/Ogaadeenya Wednesday, 02 January 2013 00:06

AM.01-01-13, Tan iyo aas aaskii ONLF waxaa dalka iyo dadka s/ogadenia soo maray dhacdooyin farabadan oo aan maqaal gaar ah lagu soo gudbin karin.Waxaa dalka S/ogadenia ka soconaya dagaal ku yimid rabitaanka shacabka. Waxayna ku timid bisaylka siyaasadeed ee dadka oo gumaysiga diiday.Waxaa halgankan ku baxay naf iyo maal aad u farabadan,waxaa deegaanadii ay daganaayeen ka qaxay dad aan tiro koobkooda la haynin.Sanad walibana waxuu reer ogadenia u leeyahay xasuus gaar ah.

Waxaa soconaya hawlo gobanimo lagu doonayo oo isugu jira xaga militariga iyo siyaasadda,Waxaa ogadenia ka dhacay dagaalo dhawr ah oo soo jiitay indhaha caalamka, waxaana ka soo qaadan karaa dagaalkii CBOLE ee loogu diiday gumaysiga in uusan la soo bixin khayraadka Ogadenia,waxaa garab socday, tan iyo aas aaskii ONLF halgan gobanimo doon ah oo ka soconaya dhinaca siyaasada.Waxaa la sameeyay ururo bulsho oo wacdaro ka dhigay dibada iyo gudahaba.Tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karaa banan-baxyada joogtada ah ee laga wado dibadda oo guul lataaban karo soo hoyiyay.

                                          Maxaan ku xusuusan karaa sanadkii tagay ee 2012.

 

Waxaa geeriyooday kt.Melez Zanaawi oo xasuuq badan ka gaystay gayiga ogadenia,Tanina waxay dhaawacday awoodii siyaasadeed ee TPLF iyo guud ahaan riyadii Melez ee ahayd in dalka Ethiopia lagu xukumo kala qaybinta lagu sameeyay qawmiyadaha dalka Ethiopia.Waxaa hogaanka siyaasadeed ee Ethiopia iminka haya shaqsi aan awood badan ku lahayn gudaha dalka iyo waliba shaqsi aad uugu liita siyaasada dibada ee dalka.

 

Sanadkii tagay ee 2012,halganka hubaysan ee JWXO hogaaminayso markale ayuu gool ka dhaliyay siyaasadda gumaysi doonka ah ee Ethiopia,waxaa dhacay shirkii ka wadahadalka qadiyadda Ogadenia ee ku buruburay dalka Kenya caasimadiisa Nairobi.Inkasta oo kulanku burburay hadana waxaa meesha ka baxay odhaahdii Ethiopia ee ahayd ONLF waa argagixiso.Kulankan oo ay labada qolo u kala dab-qaaday dawladda Kenya hadana waxaa dabada ka riixayay dawlado iyo ha'yado caalami ah oo dano gaar ahaaneed iyo kuwo guudba ka leh mandaqadda geeska Africa.

 

Sanadkii tagay ee 2012,Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada lagu qabtay shirwaynihii jaaliyadaha s/ogadenia,waxaa shirkan ka soo qayb galay ergooyin ka kala yimid guud ahaan daafaha dunida,waxaana lagu macsuumay siyaasiyiin meeqaan wanaagsan kuleh siyaasadda dalka Canada.Shirka waxaa lagu lafa guray guulaha halganku gaadhay iyo waxii dhaliil ah ee in la saxo u baahan.Saxaafadda s/ogadenia iyo suxufiintuba waxay tabin toos ah ka sameeyeen madashii shirku ka dhacayay.

Waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirka riwaayadii caan baxday ee "In uu qayshado Maanta Qasab baan kaga keenay"daawashada riwaayada waxaa yimid guud ahaan qurba joogta soomaaliyeed oo wali ka sheekeeya suugaantii soomaaliyeed ee ay riwaayadu wadatay.

 

Leave a comment

« September 2014 »
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
1 2 3 4 5 6 7
8 9 10 11 12 13 14
15 16 17 18 19 20 21
22 23 24 25 26 27 28
29 30          

Who is Online

We have 60 guests and no members online
Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.