You are here: HomeS/OgadenShir Lagu Wado In UU ONLF Uuga Furmo Germany

Shir Lagu Wado In UU ONLF Uuga Furmo Germany

Published in S/Ogaadeenya Saturday, 29 December 2012 22:43

AM.29-12-12, Xog aanu ka helay ilo wargaleen ah ayaa xaqiijiyay in ay madaxda sare ee ururka ONLF iyo hawl-wadeen-kooduba shir balaadhan isugu imanayaan, asbuuca hore, ee bisha January ee sanadka 2013 magaalada Frankfurt ee dalka Germany.Ujeedada shirka ayaa lagu sheegay in lagu qaadaa dhigi doono habsami u socodka hawlaha halganka iyo sidii loola jaanqaadi lahaa isbadalada siyaasadeed ee mandaqada geeska Africa guud ahaan gaar ahaana hawlaha halganka ee iminka.

Shirkan oo lagu wado in ay ka soo baxaan go'aamo wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo guud ahaan halganka hubaysan ee ay jwxo hogaaminayso ee lagu xoraynayo dalka iyo dadka s/ogadenia ayaa lagu wadaa in ay dhamaan ka soo qayb-galaan masuuliyiinta sare ee JWXO iyo hawl-wadeenaduba.Tan iyo burburkii wada hadaladii magaalada Nairobi ee horaantii bishii Julay ee sanadka 2012 ku dhexmaray ONLF iyo Ethiopia waxaa kor u kacay hawlgaada iyo dagaalada gudaha Ogadenia ku dhex-maray ciidamada ONLF iyo ciidanka Ethiopia ee ku sugan gudaha Ogadenia.

Leave a comment

Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.