You are here: HomeS/OgadenJabhadda EUFF ee Waqooyiga Ethiopia oo Maxaabiis Soo Furatay

Jabhadda EUFF ee Waqooyiga Ethiopia oo Maxaabiis Soo Furatay

Published in S/Ogaadeenya Thursday, 27 December 2012 00:04

AM.26-12-12 War saxaafadeed maanta ka soo baxay taliska dhexe ee jabhadda Ethiopian Unity Freedom Force (EUFF) ayaa sheegaya in ay weer ay ku qaadeen Xabsi ku yaala magaalad Debre morkoos oo ah caasimada gobolka Goojaam ee waqooyiga Ethiopia. Warka ayaa intaasi raaciyay in ay soo furteen ilaa iyo shan dagaalyahan oo ay horay ciidamada nabad-sugida ee Ethiopia uugu xidheen xabsigan. Waxaan ku dilay ayay raaciyeen ilaa iyo 17 askari oo kamid ahaa waardiyaha xabsiga.

 

Warkan ka soo baxay xarunta dhexe ee jabadda EUFF ayaa sheegaya in ay hawlgalo soo cusboonaaday iminka ka soconayaan gobolka waqooyi ee Goojaam oo ah gobolka xabashida.22 bishii November ee sanadkan ayay ahayd markii ay weerareen magaalda Adigrat ee waqooyiga Ethiopia,halkaas oo ay ku dileen 14 askari oo katirsan ciidamada nabd-galyada ee dalka Ethiopia,weerarkan ay jabhadu ku qaaday magaaldan ayaa lagu wax yeeleeay rugo ganacsi oo ay lahaayeen shaqsiyaad ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee TPLF. 

Leave a comment

Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.