AM.12-12-12,.War goor dhawayd ku soo dhacay qaybta war qabadka ee Shabakada Caalamiga ah ee Abyanmedia ayaa
sheegaya in Dagaalo culus ay ka dheceen labdii maalmood ee u danbaysay gudaha Wadanka Ogaadeeniya Dagaaladan oo ka kala dhacay Gobolka Jarar iyo Fiiq ayaa lagu soo waramayaa in ay isku fara saareen Ururka Gobonimadoonka ee ONLF iyo ciidamada Ethiopia meesha looyaqaano labiga oo wax yar u jirata Magalada Dhagabuur.
Warka ayaa sheegaya in Ciidamda Ethiopia ay doonayeen in ay Xoolo Dhaqatada ku dhaqan deegaankaas ka uruursadaan xoolo baryahanba lasheegay in lagu taakulayn hayo Ciidamda Ethiopia, oo ay soo foodsaartay dhibaatooyin xaga daryeelka ah.
Ciidamadan gumayiga ayaan wax Mushaar ah lasiinin bilihii ugu danbeeyay,
Jabhada oo kawar heshay boobka loogaysan hayo Shacabka S/ogaadeniya ayaa ku qaaday weerar culus waxaana la sheegahayaa in Ciidamda gumaysiga halkaasi lagaga dilay 40 askari halka dhaawacuna uu kor u dhaafahayo 50 dhaawacan ayaa lasheegayaa in lagu daad gureeyay Diyaaradaha qumaatiga u kaca halka ay ka carareen qaarbadan oo kamid ah dhaawacii hawaarinta.
Isla Dagaaladan oo kale ayaa kasocda qaybo badan oo kamid ah gobolka Nogob gaar ahaan deegaanada hoos yimaada magaalada Fiiq. Warku intaas ku darayaa in Maleeshiyada Hawaarinta iyo Ciidamdo Ethiopan ah lagu weeraray xerooyin ay ka daganaayeen deegaanada fiiq weerar kaasi oo jab xoogan loogu gaystay dhamaan Ciidamdii fadhiyay deegaanadaas.
iyada oo ay jirto cafis ay u fidisay Jabhada ONLF Maleeshiyada Hawaarinta ayaa hadana waxaa jira qaar kamid ah oo wali lahawlgalayo Ciidamda Ethiopia ee xaqdarada ku jooga Dhulka s/ogaadeniya.
Lasoco wararka soo kordha.