You are here: HomeSomaliaBaardheer:Ciidanka Dawladdu Wali Ma Galin

Baardheer:Ciidanka Dawladdu Wali Ma Galin

Published in Soomaaliya Thursday, 03 January 2013 04:08

AM.02-01-13,Wararka ka imanaya G/Gedo ee dalka Somalia ayaa sheegaya in ciidamda dawladda Somalia oo ay waheliyaan ciidanka dalka Ethiopia,wali ku sii siqayaan degmada Baardheere ee G/Gedo ee dalka Somalia.Ciidamada huwanta ah oo ka dhaqaaqay degmada Urufow ee G/Bay ayaa ku hubaysan hub culus oo ay kamid yihiin gawaadhida gaashaaman iyo madaafiida goobta taasoo lagu tilmaamay sababta ayna wali u gaadhin gudaha degmada Baardheere.

 

Degmada Baardheere ee G/Gedo ayaa gacanta al shabaab ku jirtay tan iyo sanadkii 2007.Maleeshiyada al shabaab ayaa ka xamaan u ruursatay habeen ka hor intii ayna ciidamada dawladda iyo kuwa Ethiopia ka soo dhaqaaqin degmada Urufow ee G/Bay.

 

Waziirka wazaaradda gaashaandhiga ee dalka Somalia mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Baydhabo.Waftiga waziirka waxaa ka mid ah taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed S/Gaas C/qaadir sheikh Cali Diini iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee  dawladda Somalia.Waftiga waziirka ayaa booqanay gobolda koonfur galbeed ee dalka Somalia xili ay ka soconayaan hawlgalo lagu soo af jarayo dagaalka lagula jiro maleeshiyada al shabaab.

 

Leave a comment

« August 2014 »
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
        1 2 3
4 5 6 7 8 9 10
11 12 13 14 15 16 17
18 19 20 21 22 23 24
25 26 27 28 29 30 31

Who is Online

We have 52 guests and no members online
Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.