You are here: HomeSomaliaKismaayo:Hawl-gal Lagu Qabtay Rag Katirsan Al shabaab

Kismaayo:Hawl-gal Lagu Qabtay Rag Katirsan Al shabaab

Published in Soomaaliya Thursday, 03 January 2013 03:40

AM.02-01-13,Ciidamada huwanta ah ee ku sugan magaalad Kismaayo ee G/Jubada hoose, ayaa shaaciyay hawl-gal ay magaalda Kismaayo ka dhex sameeyeen in ay ku soo qabteen rag ka tirsan maleeshiyada al shabaab.

Hawl-galka ayaa lagu fuliyay xaafadaha Farajano iyo Dalcada oo kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo.Waxaa la soo qabtay 15 ruux oo rag ah oo ay 6 kamid ah qirteen in ay katirsan yihiin ururka xag-jirka ah ee al shabaab.Col.Axmad Diini oo ah madaxa nabad-galyada ee ciidamada huwanta ah ayaa sheegay in lala qabtay ragan walxa qarxa ee loo adeegsado qaraxyada.Taliyaha yaa intaas raaciyay in 9ka nin ee aan wali qiran in ay kamid yihiin al shabaab lagu wado baadhitaano lagu ogaanayo.

 

Hawlgalkan waxaa si wada jir ah u fuliyay ciidmada dawladda Somalia,kuwa Amisom ee dalka Kenya iyo ciidanka deegaanka ee raaskaamboni.Col.Axmed Diini ayaa hoosta ka xariiqay in nabad galyada magaalada Kismaayo tahay mid sugan.

Leave a comment

Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.