You are here: HomeSomaliaMadax-waynaha oo Lagu Wado In Uu Lakulmo J/ Soomaaliyeed ee Sudan

Madax-waynaha oo Lagu Wado In Uu Lakulmo J/ Soomaaliyeed ee Sudan

Published in Soomaaliya Wednesday, 02 January 2013 13:24

AM. 02-01-13, Madax waynaha dalka Somalia Xasan Sheikh Maxamuud oo iminka booqasho labo maalmood ah ku jooga dalka Sudan ayaa lagu wadaa in uu galabta la kulmo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi.Waftiga madaxwaynaha Somalia ayaa dalka Sudan uuga qayb galay dabaal-daga maalinta xoriyada Sudan oo ku beegnayd shalay.

 

Dalka Sudan waxuu xoriyad buuxda ka qaatay isticmaarkii ingiriiska 01-01-1956.Dabaal-daga maalinta xoriyada ayaa waftiga dawlada Somalia uuga qayb galeen gobolka Blue Nile ee dalka Sudan.Waxaana lagu soo bandhigay awooda iyo wax qabadka dawlada madaxwayne Cumar al Bashiir.

 

Waziirka wazaarada arimaha gudaha iyo amniga ee dalka Somalia mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo isna ku sugan magaalada Khartum ee dalka Sudan ayaa saxaafada u sheegay in uu la kulmay dhigiisa dalkaasi.Waziirka ayaa sheegay in uu wada hadalo la leeyahay dawlada Sudan looga codsanayo sidii ay tababar u siin lahayd saraakiisha ciidanka booliska,nabad-sugida iyo ciidan gaar ah oo loogu tala-galay sugida amaanka dalka Somalia.

Leave a comment

Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.