You are here: HomeSomaliaDibad-bax Boorame Ka Dhcay

Dibad-bax Boorame Ka Dhcay

Published in Soomaaliya Monday, 31 December 2012 05:57

AM.31-12-12,Magaalada Boorame ee G/Awdal waxaa maanta ka dhacay banaan-bax aad u balaadhan oo watay rabshado wax yeelo gaystay.Ujeedada banaan-baxo waxay ahayd mid looga soo hojeeday fara-galin la sheegay in uu maamulka Soomaaliland ku sameeyay najiidooyinkii doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacay guud ahaan maamulka Soomaaliland.Rabshadaha ka dhacay Boorame waxay ahaayeen kuwo ka dhashay doorashooyinkii golaha deegaanka ee degmada Saylac oo aan wali la dhaarin cidii ku soo baxday doorashada degmadaasi,oo lagu tuhmayo in maamulka Soomaaliland hortaaganyahay.

 

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo madax-wayne kuxigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ka ka kooban waziiro lix ah iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaadhay magaalada Boorame.Waxay u socdeen in ay xal u soo helaan tuhun soo kala dhexgalay shacabka G/Awdal iyo maamulka Soomaaliland oo ku wajahan doorashooyinkii golaha deegaanka ee degmada Saylac.Markii waftigu gaadhay gudaha magaalda ayaa waxaa bilaabmay banaan-bax rabshado ka dhasheen.Waxaa dhagaxaan lagu weeraray gaadiidkii waftigu watay waxaana muraayado laga bur-buriyay qaar kamid ah gaadiidkii waftiga waxaana dhaawac soo gaadhay qaar kamid ah waftigii balse macadda wali khasaaraha waftiga soo gaadhay inta uu dhanyahay.

 

sida uu xaqiijiyeen agaasimaha cisbitaalka Boorame Dr.Ismaaciil Maxamed "AAY" iyo gudoomiyaha G/Awdal Axmed Xadi Sidci waxaa geeriyooday wiil dhalinyaro ah waxaana dhaawac kala duwan soo gaadhay saddex qof oo iminka lgu daawaynayo cisbitaalka magaalda Boorame.Dhimashada iyo dhaawacuba waxay ka dhasheen rasaas ay dadka ku fureen ilaaladii waftiga oo la weeraray.Waxaa rabshaduhu aad uuga dhaceen wadooyinka iyo hoteelka ay waftigu daganaayeen.

 

Waftiga madaxwayne ku xigeenka Soomaaliland waxaa ka mid ah gudoomiyaha xisbiga talada haye ee kulmiye Muuse Biixi iyo masuuliyiin waziiro u badan.Doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Soomaaliland waxay dhaliyeen cabashooyin ka imanaya shacabka oo dhaliyay tuhun laga qabo in uu xisbiga talada haya ee Kulmiye ku shubtay degmooyin dhawr ah.Banaan-baxa Boorame waxaa ka horeeyay kii ka dhacay degmada Barbara horaantii bishan.

 

Leave a comment

« October 2014 »
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
    1 2 3 4 5
6 7 8 9 10 11 12
13 14 15 16 17 18 19
20 21 22 23 24 25 26
27 28 29 30 31    

Who is Online

We have 144 guests and no members online
Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.