You are here: HomeSomaliaWaftigii DF.Somalia oo Wali Ku Sugan Kismaayo

Waftigii DF.Somalia oo Wali Ku Sugan Kismaayo

Published in Soomaaliya Friday, 28 December 2012 14:03

AM. 28-12-12 Waftigii balaadhnaa ee dawladda faderaalka Somalia ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada kismaayo.Waxaa soconaya wada hadal ay la leeyihiin salaadiinta iyo wax garadka Jubooyinka.

 

Waziirka wazaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariim Xuseen Guled oo waftiga hogaaminay ayaa saxaafadda qaranka u sheegay in uu qorshahoodu yahay sidii maleeshiyada al shabaab looga xorayn lahaa guud ahaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.Waziirka oo shalay waraysi uu bixiyay raali galin ka bixiyay sida ay dawladu uuga gaabisay qorshaha lagu xoraynayo gobolada Jubooyinka ayaa maanta sheegay in ay dawladda Somalia qorshe lagu hormarinayo Kismaayo diyaarinayso.

 

Waziirka wazaarada warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee dalka Somalia mudane C/llahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in gobolada Jubooyinka wazaarada warfaafintu ka bilaabayso barnaamijyo ku wajahan hanuunin iyo nabada,waziirka ayaa sheegay in uu iminka ka socdo magaalada Kismaayo qorshe lagu dhisayo Idaacad FM ah oo dhawaan hawada soo gali doonta.

Leave a comment

Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.