You are here: HomeSomaliaCiidamada Huwanta oo La Wareegay Buulo-guduud

Ciidamada Huwanta oo La Wareegay Buulo-guduud

Published in Soomaaliya Sunday, 23 December 2012 03:00

AM. 22-12-12, Warar ka imanaya magaalada kismaayo ee maamul goboleedka Jubaland state of Somalia ayaa sheegaya in ciidamada DF. oo kaashanay militariga dalka Kenya iyo ciidamada Raskaabooniyiintu maanta la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Buulo-guduud oo 30km.dhanaca waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee G/Jubada hoose.Sarkaal ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidamada huwanta ah ayaa sheegay in ay maanta gudaha u galeen Buulo-guduud ka dib markii ay maleeshiyada shabaab ka xamaan uruurstay deegaankaas.Xabadi kama dhicin oo si nabad-galyo ah ayaan deegaanka kula wareegnay ayuu sarkaalku hadalkiisa sii daba dhigay.

 

Jaziiradda Kudhaa oo magaalada kismaayo kaga beegan dhanaca koonfureed ayaa la sheegayaa in dagaal xog badan iminka ku dhex marayo ciidamada huwanta ah iyo maleeshiyada al shabaab,warku waxuu intaas ku darayaa in dagaalkan yimid kadib markii ay maleeshiyada al shabaab habeen hore dib uugu soo laabatay Jaziiradan oo maalmo ka hor laga eryay maleeshiyada al shabaab.Dad shacab ah oo wali ku sugan jaziiradda ayaa soo sheegay in dagaal xoogani halkaas ka socdo,hugunka madaafiicda ayaa deegaanada Jaziiradda Kudhaa u dhaw aad looga maqlayay.

 

Hawl-galadan ayaa imanaya xili gudoomiyihii gudiga kumeel gaarka ah ee jubaland mudane Sheikh Axmed madoobe iyo madaxwaynaha DF.Somalia kulan gaar ah ku leeyihiin caasimada dalka Kenya ee Nairobi.Guulahan isdaba jooga ah ayaa iyagu ka imanaya Jubaland xili saxaafadda afka Soomaaliga ku hadashaa qaarkeed wado barnaamijyo ka fog xaqiiqda oo ku salaysan eex (bias) oo khalkhal lagu galinayo maamul u samaynta gobolada Jubada hoose,Jubada dhexe iyo G/Gedo ee jubaland state of Somalia.

                                                                   warar sugan iyo saxaafad hufan waa hal hayska www.Abyan media.com

 

 

 

Leave a comment

Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.