Am.19-12-12, Askar ka tirsan ciidamada dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee puntland ayaa xalay afduubay markab ku xirnaa takadda magaalada Boosaaso ee dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Markabkan la afduubay waxaa lagu magacaabaa MV Daesan oo laga leeyahay dalka kuuriyada waqooyi.Warka afduubka markabku waxuu intaas raaciyay in horay ciidamada badda ee Puntland ka soo qabteen markabka xeebaha Somalia kadib markii lagu eedeeyay in markabku bada ku qubayay shimiinto qoyday oo laga soo diiday in lagu dajiyo magaalada Muqdisho.
Markabkan la afduubay waxaa saaran 33 qof oo shaqaalahii markabka ah.Dawladda Puntlad ayaa sheegtay in laga daba diray laba doomood oo ay saaran yihiin ciidamada puntland si looga soo furto askarta afduubka gaysatay.

