Am. 18-12-12, Markii uu ilahay sameeyay aduunka
Ayuu khaliif uga dhigay insaanka u jeedada
Ugu wayn ee uu ilahay u keenay ayaa waxay ahayd in ay isaga Caabudaan
is kana ilaaliyaan in uu midi midka kale Dulmiyo,
Laakiin madhcin oo Qaar badan oo ilahay Sameeyay ayaaba diiday
In ay qaadaan Tubta soosan,
waxaan ka Daawday todobaadkii inaga tagay TV-ga
AL_jazeera Qiso Xanuun badan
oo ku saabsan Muslimiinta ku nool wadanka Barma gaar ahaan Gobolka Zakhiin oo ay ku noolyihiin Muslimiinta Ruhingiya looyaqaano oo tira ahaan lagu qiyaaso 4%
Halaka Buudiyiinta ay yihiin 90%
Tv-ga ayaa ku bilaabay waxaa loodiiday Muwaadinnimo
waxaa laga Bara kiciyay Guryahoodii waxaa loodiiday Safar
waxaa loo diiday in labadbaadiyo,
Hadaba Qisadan xanuunka badan oo ixasuusinaysa
kuwo lamid ah oo ka Dhacay Ogadeniya ayaa ku bilaabatay
islaan Buudiyad ah ayaa soo bandhigtay Gabadh yar oo lakufsaday kadibna ladilay
waxay Dawlada Barma u qabatay falkaasi 10 Nin oo
Muslimiinta Ruhingiya ah waxaana lagu Sameeyay
Daldalaad kadibna waxaa lagu aasay Halgod muslimiinta Ruhingiya oo ku nool Waqooyiga Barma ayay Dawladu inkirtay in ay ku noolaan jireen Gobolka,
Hada laga bara kiciyay ee lagu Magacaabo Zaakhiin,
Dhibaatadan muslimiinta lagu hayo ayaa Bilaabatay xiligii Boqor Bayniito Wang oo ahayd qarnigii lix iyo tobnaad waxuuna sii siyaaday Nacaybka Muslimiinta Dagaalkii labaad ee aduunka,
Sanadii 1945 ayaa waxaa loodoortay Boorsaaq in uu hogaamiyo Xisbiga Midnimada
Waxuuna isla mrkiiba meesha kasaaray Xuquuqdii ay lahayeen Muslimiinta
oday 80 jir ah oo lagu Magacaabo Maxamu Xakiim ayaa sheegay in ay u ladhaqmaan Buudiyiinta oo gacan kahelaysa Dawlada si insaan ninimada kabxsan.
Dadkan ayaa loodiiday xaqii ay wadnkooda ku lahaayeen ee Muwaadinimo waxaana loosheegay in ay ka Haajiraan dhamaantood wadankii ay kafac kafac daganaayeen,
Dadkan Islaamka ah oo aan is difaaci karin ayay AL-jazeera sheegaty in uu Caalamka uu dhagaha ka furaysatay,
Akhristaw waxaan is Bar bar dhigay Jazeerda yar Estemorr ee laga gooyay wadanka Muslimiinta ugu badan Aduunka ee Indunisia,
Dadka ku nool jazeerada oo ah Dad Masiixiyiin ah
oo ladhaqan iyo lamidaba ah ayaa Bilaabay Mudaaharaad ay ku Dalban hayeen in ay ka go,aan Indunsia inteeda kale waxaana islamarkiiba Gilgishay Caalamaka oo dhan waxaana lahor geeyay Qaramada Midoobay Mowshin ah in laga gooyo Wadanka Indunusia Jazeerada Estemore midaasi oo si dhakhsa ah loogu meel mariyay Go,itaankoodii
Hadaba waxaad ogaataa akhristow in Caalamka Cadaaladiisu ay tahay sida maanta kataagan Wadamo badan oo ay Ogadeniya ka midtahay,
Sida aan ka akhriayay taariikh ku saabsan Wadanka ay Xabashidu Gumaysto ee Ogadeniya in ay aaminsantahay Ethiopia in Dhulka Ogadeniya uu yahay Dhul Ethiopian ah oo ay soomaalidu soo Dagtay xiliyadii ay Geeska afrika ka talin jireen Emaaradihii Islaamiga. Hadaba maxaa diiday in Ethiopianka ay dhihi doonaan Maalin maalmaha ka mid ah malaha dhulka soomaalida Ogadeniya,
Inkastoon ku kal soonahay Umada Dagata Wadanka Ogadaniya oo ah umad leh taariikh Halgameed aan maraba ogolaanin keenada Gumaysiga Ethiopia tan iyo 1894 xiligaas oo ay Ethiopia ka Dalbatay Ingiriiska in lagu wareejiyo Ogaadeeniya,
Tusaale sandkii 1956 -dii /25/August. Ayuu xayle salase yimid magalada Qabridahar isagoo u sheegay Shacabkii Daganaa in ay kamid yihiin Bahwaynta Ethiopia
Oo ay iska iloobaan Riyada Cunsurka Somalinimada ah,
Shacabka Ogadeeniya oo kabiyo diidan Hadalkan uu yidhi Xayle salaase ayaa durba bilaabay kacdoon dhalinyaro
Xayle salaase waxuu Jawaabay markuu arkay kacdoonkii dhalinyarada
Iyo iftiinkii ubaxay Umada in uu gumaad kagaysto Gobolka Jarar gaar ahaan magaalada
Dhagax-buur oo uu ku laayay Dad Shacab ah oo garahaya 70 qof oo Shacab,
waxaana loobixiyay Xasuuqii Kanooniga,
inkastoon maraba lawaayin Dhuuni qaate horbooda Gumaysiga hadana waxaa falkaasi foosha xun ku magacawnaa in uu saxiixay Maxamuud Ibraahin Guray
oo Xiligaasi lashaqaynhayay Ciidamdii Xabashida ee kusugnaa Gobolka Jarar,
Tariikhdu maduugawdee xiligii Draawiishta ayaa
Ingiriiska oo Dagaal adag kula jiray sayidka ayaa war qad usoo qoray
Oo uu ku leeyahay Malihid awood aad is kaga kay celiso ee jooji dagaalka
Waxaana kusiin hayaa Boqortooyo
Sayidka waxuu ku jabay awood ilahay baa leh Dagaalkana waan wadaynaa intaad
Katagayso Ciida soomaaliyeed,
Waxaad arkaysaa kuwo Badan oo ku doodahayo wadankii waxaa kajira hormar, hadaba aan is waydiinee shacabka S/ogaadeniya Mawaxuu rabaa hormar mise in ay dhaafto Qudhunleey
Waxaan u arkaa in Ethiopia ay ku guul daraysatay Dagaalkii ay kula jirtay Xornimadoonka
Waxaad ku cabiri kartaa markii laga taag roonaaday Ciidamdii ingiriiska ee Gumaysan jiray Wadamo badan oo Qaarada Africa ah waxay adeegsan jireen Dadka Deegaanka
Tusaale Naigeriya oo ay ciidamo kajoogeen in giriisku markuu xamili waayay xabadii xaqlaha waxay bilaabeen in ay qoraan 16000 oo ah dadkii Naigeriyiinta si ay uga Hortagaan Jabhadii xornimadoonka, ileen amuuru waaniyee
mudo kadib waxaa dhacday in Cagta lamariyay
Sidaana lagu xoreeyay wadankii Nageriya, الحق لا يخفي Xagu Maqar Soomo
Waxaan kusoo gunaanadi lahaa maqaal kayga in aan gudano waajibka inga saaran wadan keena Hooyo waxaadna Ogaataan
nin ku dilay in uusan hormar kuu keenaynin
Guul iyo gobonimo
BY; Ahmed Shihaab
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. -12-12,

