You are here: HomeFikradahaShirka Jigjiga: Dhaqan Liinbaxay mise Dhimir dhalan Rogan

Shirka Jigjiga: Dhaqan Liinbaxay mise Dhimir dhalan Rogan Featured

Written by  Published in Fikradaha Tuesday, 27 November 2012 01:18

 

AM.25-11-2012 Cabdi Gorod wuxuu ahaa Gabayaa midho culus Gayiga Soomaali Galbeed “Ogaden” idayl ahaantiina magac iyo maamuus wayn ku leh.  Isaga oo la fakaloolsan hadba xaajo aan Oday ka soo gaadh ahayn (Xaajo-Ugub), ayaa maskaxda Gabayaagan waxaa ka soomaxay xigmad guun ah Gayiga Soomaalida na aad ugu baahday.  Waxaa kamid ahaatuducyadan hoos ku xusan sida:

 

“Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban, Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii hore e. Gablan talo adduuney maxaa tu walba loo joogay.

 

Waxaa suurowda in aad igu raacdo maskaxda meerisyadan  ka soo biqleen in  xigmad Rabbaani ah ceegaagto hadaysan karkaar jabis ku dhawayn. Kasokow arrigtidaas, waxaa barbar ool midan ku teedsan ah gadaha curdoon ee  Gabayaaga fajac iyo maskax maroojinta ku riday. Dan-u- hadalkay, waxaa jeerkan  igu soo deg degay in aan iswaydiiyo Shirka Jigjiga ee karaamo beelka ah tollow haddii Abwaan Cabdi Gorod noolaan lahaa muxuu ku tilmaami lahaa mar haddii adduunkiisa caanka ku ahaa baxnaanada dhaqanka wanaagsan iyo jacaylka Gole wanaag fadhiisiga maskaxdiisu sidaas u fikirtay markay la soo gudboonaato arrin damiirkiisu diiday!

 

Qawadka aan u hayay habka nololeed, mida dhaqanka-dhaqaale, kan  Maamul iyo hagardaamooyinka daashaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Itoobiya Gumaysato, waxaa baryahan ii koomaalay illaa xadiga baahsan ee dhaqan dumiska ah ee ka soocday labaddii todobaad ee ugu danbeeyay Bishan November Magaalada Jigjiga.

 

Cindiga Soomaalidii hore Dhaqanku muunad himo sare leh oo aan saxar ku duula loo ogolayn ayuu ahaa. Haybada iyo Sharaftu waxay sooyaalkii Soomaalidii hore kaga tiilay bu’da wadnaha waxay na qaadan jirtay doorka ugu dhumucda roon. Mohasho kale, cindiga Soomaalida Dhaqanku wuxuu ahaa aallad ay ku faantamaan baxnaadiisa kagana haasaawaan goobaha camiran sida Kabdhoodka, Goleyaasha iyo goobaha barbaartu ka jiibanayso ciyaar dhaqameedka iyo Geedaha weegaaran ee xaajo loo hoos huluushay.  Quruxda, kartida iyo Raas wanaaga Reer ama Beel Soomaaliyeed lagu sheego wuxuu si gaar ah u tibaaxay jiray sooyaalka dhaqanka Beeshaas. Meel ka dhaca ka wayn ma jirin haddii Beel lagu tilmaamo “Gun ama Inan Gumeed”. In la isku xansado ha ii dabranaatee haddii Gun baad tahay lagu Xariiro qof kamid ah Beel Soomaaliyeed wuxuu qaadashada ereygan ka xigi jiray in uu si xarago leh ugu deg dego geerida qofka weedhaas la taarto.

 

Hal abuurka Soomaalidu waxay si gaar ah u tibaaxaan haddiiba dubaakhooda ay ka helaan Jimo-tuurasho ama faantan in ay ku soo halqabsadaan Awowyada uu tirsado iyo sifooyinkii dhaqan wanaag ee lagu yiqiinay si Awowyadaas sharfoon iyo Gabayaaga hal kaalin looga xadhig siiyo.  Qisada la soo daristay garan maayo laakiin tuducyo uu ku muujinayo sharaft iy meeqaamka ay gaar u lahaayeen isaga oo muujinay Gabayaagii waynaa ee Maxamuud Cali Beenaley waxaa laga hayaa meeriskan caanka Soomaali ka dhex noqday.

Uma baran bahdey iyo inaan, bi'iyo Daaroode - Shisheeyaha kolkaan baratanaan, badin aqaanaaye- Burmadaha halkii aan la dhaco laga banjoogow”

 

Kasokow in uu muujiyay nin karmeed nimada gaarka ee Rabbi ku manaystay, sidoo kale Abwaanku wuxuu inoo sheegayaa in Beesha uu la halmaalo iyana yihiin kuwo aan la mahadin haddiiba lagu soo gafo arrimaha u gaarka ah ee Beeshu daajisato.

 

Dhaqan Liinbaxay:

Huga iyo karaamada ugu soo jiidashada badan ee abid Aadame ku xaragoon karo waxaa lagu tilmaami in uu yahay ‘Xishoodka’. Haddaba, arradku waa noocyo badan yahay hoyga, huga, hantida, maanka/dhimirka, dhasha iyo sida wakhtigan casrigu ina barayo Dalka iyo nidaamka Dawliga ba waa laga arradaa. Intaas oo arradka abtir u ah waxaa iila gurucan midka Aadamuhu kaga duwan yahay mawaashida marka laga arrado, ‘Xishoodka’. Nebi Muxamed NNKH wuxuu Furqaan inoogu sheegay in Arradka Xishoodku yahay Aafada ugu wayn ee noole soo wajahi karta islamarkaasna ku xabaasi karta in uu sameeyo wax kasta oo uu dubaakhisa ka helo ama naftu damacdo. Isaga oo tilmaan mugleh ka bixinaya Arradka Xishoodka wuxuu yidhi “Idaa Lam Tastaxyi Isnac maa shi’ta” Haddii aadan xishoonayn samee waxkasta oo aad rabto.

 

 

 

Go’aankii iyo Ficilku kaa Guuray:

-          “Idinkana wakhtigu waa idin hoday wadar ahaantiine, in wareer ku dhacay loo malee waliba qaarkiine, waalaad ka doorteen xilkaad weheshanayseene. Waxba kama gashaan Dawladnimo waddina maysaane, waayahakan hawshana leh Rag baa idiin wakiila ah, waa idinka waayee-shanyahay Wiilka noo yariye. Wajigaad hesheen iyo xurmada la idin wayneeye, Xafiisyada aad walam leedihiin een anagu waynay wanaag kuma jiree waa amuur laga was-waasaaye.” Cismaan Yuusuf.

Arrin laga wis-wiso Af-kana laga wareejiyo sida Abwaan Cismaan Yuusuf ula fakaloolay xaajadii wakhtigaas soo food-saartay ee sababka u ahayd meerisyada sare waxay ahay Shirkii Jigjiga todobaadkii hore ka socday. Waxaa lagu macneeyay in shirku ahaa “Wadatashiga shacabka iyo Dowlada Deegaanka Soomaalida”. Waxaa si gaar ah loogu martiqaaday shirkaas dad u badnaa Haween, Dhalaan, Qurbajoog iyo sida lagu sheegay ‘Dhibaneyaal’. Dhinaca kale si caad la’aan waxaa Shirka u dhexboodayay, Sh. Ibraahim Dheer, Gudoomiyihii UWSLF iyo Doolaal Aadan Dhagoole, oo ahaa nin waligiiba mansab ka dhexraadin jiray kililka & Tigreegaba kuna kashifmay maamulki C//llaahi Maxamed Sacdi oo uu kamid ahaa. Intaas waxaa dheer, mar Doolaal waxaa lagu xariiri jiray inuu Tigreega jeclaa balse Tigreegu aysan jeclayn marar badan hongoowsiiyay Doolaal.

 

Dib u milicsi kooban, Sanadkii 2010 ayaa waxaa lagu xasuustaa in Sh. Ibraahim Dheere iyo ururkii magacyada badan soo maray  balse ku danbeeyay UWSLF in ay heshiis lagu macneeyay “Isdhiib Dabargo’ laga dhexlay”  la galeen Dawlada Itoobiya. Dhinaca kale, Mudo ku siman 12 sano ayaa waxaa Magaalada Jigjiga saqdhexe ka xamaan urursaday haleel darana uga toobiyaha Imaaraadka Carabta cagta u saaray Doolaal Aadan Dhagoole.

 

Su’aasha marka muhiimka ah ee soo xaadiraysa marka koowaad ayaa waxay tahay, Sh. Ibraahim Dheere iyo Doolaal Aadan Dhagoole oo hindisaha iyo taabogalinta Shirka Jigjiga door laxaadleh ka qaatay si saxar la’aan ah na uga dhexmuuqday muuqaalada laga soo tabinayay miyaysan wajigabax Diineed iyo Dhaqankoodii oo Liinbaxay ku ahayn in lagu kor dareeriyo bahdilaad guud ee jifooyinka ay u nasab sheegtaan gaar, guud ahaana Dadka Soomaali Galbeed ee ku hoos jira xukunka macangaga ah ee Itoobiya? Dhaqanka suuban ee Islaamka iyo damiirka wanaagsan ee lexejeclaysan miyuusan saluug qaro-wayn ka qabin bahddilaada noocan oo kale loo soo maleegay? Karaamadii iyo sharafkii umadi la shir-tagi jirtay dhaawac intee dhan ayuuse ka dhex muuqashada labadan nin ku yahay?

 

‘Karis xun Iyana ku la’. Haaneedka Dhariga haddii laga badsho Dumarka qaditaanka Maatada iyo Mudankeeda ka sokow,  Qudheeda waxaa la soo darsaya darxumo ay sabab u tahay. Doolaal Aadan Dhagoole iyo dhigiisa Sh. Ibraahim Dheere waxay u muuqdaan in go’aankii Rag iyo ficilkii ka guuray marba hadday bahdilaad jadwalaysan damiirkoodu xamilay in uu dhagaysto ama sooba hindisay.

 

-          Arrad Waa Dan, Uskagse Waa Doqonimo

 

In aad waydo maro bilicsan oo aad ku laafyooto waa dan waase duli yo doqonimo haddaad hugaaga dhaqan waydo. Sidaas waxaa lamid ah, doorbidka in lala noolaan karo Gumaysiga Itoobiya oo aan inaba wax xeerin ah dhaqan u lahayn waana dulinimada ugu wayn ee noole qaato wakhtigan Casriga ah.  Midaas waxaa Budo-caydhiin ku daray, damiirka ogolaaday bahdilaada dhaqanka iyo Beelaha ee ka soomaaxay garaad Doolaal iyo Sh. Dheere.

 

Caqliga fayow wuxuu ina siinayaa in nooluhu afkaarta iyo wadiiqada guusha loo maro ku kala aragti gadisnaan karo. Sidaas  oo micnaheedu yahay Doolaal iyo Sh. Ibraahim Dheere way ka aragti duwanan karaan ururka ONLF. Hase ahaate, liinbaxa dhaqanka iyo bahdilaada Soomaali Galbeed waa Doqonimo qaan-gaadhay in la qaato lana qaayibo islamrkaasna lagu fasilo in ay tahay masiibo la halmaasha faltanka ka socdo Dhulkaas.

 

Tixraac Togan:

-           “Adduunyadu maanta maaha, aqoonina maalin maaha. Ninkii imtaxaan ku raga hadduu samro uu adkaysto Rabbina ka illoowa maaha”. Hadraawi.

Dunida maanta waxaa lagu sheegaa in ay tahay Carro-edagayn (Globalization) ka duwan midi doraad. Sidan oo ka dhigan in Adduunkii noqday mid hal Massale ku fadhiya. Ciqaab iyo Gabood fal loo gaysto Aadamaha  ama Dhaqankiisa meel saraynta sharciga ay ka sayid-calays doonitaanka shakhsigu, waxaa nasiib loo helay in meelo kale laga furo saraynta sharciga. Tusaale, dadka Reer Rwanda, DR Congo iyo Central Africa Republic Gabood falkii ku habsaday 1990s, Dhibaneyaashii maalintaas waxay xaq u haleen in ay ‘Tixraac Togan’ ka helaan wixii fool xumo ahaa ee loo gaystay. Halka kuwii gabood falka gaystay xaar mas Cadaalada Caalamiga baafin ugu jirto noqdeen. Haddaba, waxaa hubanti ah in Doolaal Aadan Dhagoole iyo Sh.Ibraahim Dheere oo iska lahaa fikirka curinta Shirka Jigjiga maalin maalmaha kamid Jiilka soo socdaa ka fikiri doono sidii ay ula tiigsan lahaayeen cadaalada iyaga oo ku sifayn doono soo hindisida Gabood fal-dhaqmeed.

 

Dhimirka dhalan Rogan

-          “Dadnimada Hoggeedana Dibadaad ka Huridaa”.  Hadraawi

Beerlaydu wakhti Roobaadka waxay sameeyaan ‘Carro Rog’ si saracu u maashoobo. Marxaladan waxay qayb muhiim ah ka tahay bacarimiska Beerta iyo taabogalinta saraca laga sugayo in uu madashaas ka oo biqlo. Sidaas si lamid ah Dawlad ama nidaamka Dawligu wuxuu awooda saaraa gedgediska dhimirka si loo gaadho maxsuul ka hadafkiisu ku dhisan yahay. Haddaba, Dhulka Soomaali Galbeed waxaa marag looga ahaa dhalan rog badan oo ay isku dayeen Gumaysteyaashii hore sida Haileselase iyo Mingiestu Hailemariam. Isku dayadaas hore, Gumaystuhu waxbadan oo uga soo naaso cadaaday majirin marka laga reebo in Soomaali Galbeed “Ogaden” wali ku jirto gacanta Gumaysiga.

 

Dabci waa Ma Guuraan:

Wadciga Soomaali Galbeed maxaa kalkan ‘Hal Dheeri” ku ah? Inta aanan farta ku fiiqin sidaan dubaakhayga ka helay in ay ‘Hal Dheeri’ ku tahay, waxaan jeclaystay in aan mudmudo fahanka nolosha iyo muuqaalka qofku ka haysto iyo siday isugu xidhan yihiin ficilka nooluhu.

 

Fahanka nolosha waxaa qaabeeya abuurka dabiciga ah. Baadhka uga dalooshama Aadamaha sida caadada u intiisa  badan waa qabatimaa had iyo jeer. Hayaan dheer oo nololeed kadib haddii uu wakhtiga wanaajiyo Aadamaha waxaa hubanti ah in dabcigii asalka ahaa wali maguuraan yahay. Dabci waa maguuraan siduu hadal duq hore yidhi e. Jeerkasta oo tuur iyo golxob isu yeesho waa mid aan la sugayn in aad ku guulaysato in aad dundumo carro ka maydho. Dabcigaas ma guuraha waxaa ku sifoobay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ‘Iley”. Fageere ka caytan iyo in dadka qaar lagu sheego in ay yihiin ‘Nasab dhiman’ waxay intuba la kowsatay Iley markii uu fadhiistay haaneedka Soomaali Galbeed. Beelo iyo ashkhaas magac iyo maamuus badan ku dhex lahaan jiray dadka Soomaali Galbeed maanta waxay dhibaneyaal u yihiin Madaxweyne Iley.  Waxay cadho iyo ciil la galuuban yihiin goob aysan waxbadan ka qaban karin. Waxayse u toog hayaan jeerkay isu togtay ee ay kaalinka dowliska ku tuurtaan in ay si qumaati ah u doojin doonaan.

 

Haddaba, dhumucda hadalka iyo nuxurka aan muhmalku saarayn miyuusan tibaaxayn in Madaxweyne Iley haaneedka kaliya oo uu halaloobin yaqaan tahay Aflaagada, Bahdilaada iyo Beelo lagu sheego in ay ‘Nasab dhiman yihiin’. Dhirmir dhalan rogan miyaa mise dhaqan uu eersaday baa jira?. Waxaan u malowaynahay in halka Beerlayda Carro roga ka isticmaasho Madaxweyne Iley laba arrimodd isu koomaashay; Dhimir Rogan iyo hanaqaakiisii oo ku anqaratay aflagaado, cargaagtan iyo cayntan aan cilmiyaysnayn.

 

Ugu danbayntii, waxaa marag ma doon ah in Madaxweyne Iley nolosha baadhka uga banaan ee si hagar la’aan ah xirfad yahan ugu noqonday tahay habka loo maleego jaraaxaynta nasabka. Sida Qaadka, Drugs iyo Maandooriyeyaasha kale loo qabatimo Madaxweyne Iley wuxuu qabatimay Xishood arradan oo ku dhisan aflagaado, waxaase muuqata in sidii dabkii hulaaqi jiray markan uu qabadsiiyay Doolaal  Aadan iyo Sh,. Ibraahim Dheere

 

 

Wq: Bashiir Mahad

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Read 1555 times Last modified on Tuesday, 27 November 2012 01:35

Leave a comment

Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.