You are here: HomeFikradahakulan ay yeesheen Jaaliyadda S/Ogaadeenya ee Mineapolis

kulan ay yeesheen Jaaliyadda S/Ogaadeenya ee Mineapolis

Written by  Published in Fikradaha Monday, 12 November 2012 20:08

Waxaa malintii Sabtida ahayd bishan October 16, 2010 uu shir albaabdu u xidhanyahay dhex maray Maamulka Jaaliyada Ogadenya ee Minnesota iyo Oday dhaqameedyada Ogadenya.



Shirkan oo ahaa shir si wanaagsan looga soo shaqeeyay inta badanna ay ka soo qaybkaleen Odayada Ogadenya ee ku dhaqan gobolkan Minnesota ayaa waxaa kadib ayaado Quraan ah iyo wacdi lagu furay shirka waxa si qoda dheer loo falanqeeyay xaalada halganka xaqa ah ee Ogadenya uu maanta marayo ayadoo la isla qiray inuu halganku ku socdo hilinkii loogu talagalay.

Dhanka kale cuqaashii shirkan ka soo qayb gashay ayaa waxay dhamaantood dhaar kumareen inay dardar galinayaan u hiilinta halaganka xaqa ah ee ka socda gudaha ogadenya oo ay ladagaalamayaan cid kasta oo isku dayda inay majara habaabiso ujeedooyinka halaganka ay hormuudka ka tahay JWXO. Waxay cuqaashu intaasi raaciyeen inay u istaagayaan abaabulka bulshada Ogadenya iyo walaalaha Jamhuuriyada Soomaaliyeed.

Oday Dhaqameedyadu waxay gaashaanka u daruureen oo ay ku tilmaameen wax laga xishoodo beenta ay Itoobiya (Ethiopia) soo abaabushay ee ay u soo dhiibeen Saalax Diin iyo Ibraahim Dheere, ayadoo ay Odayaashu ku tilmaameen arintani inay tahay riwaayad ay Ethiopia ra'yul caalamka ku khayaamayso, waxay Odayadu cadeeyeen inay bulshada Ogadenya ay wali xaalad dagaal ku jiraan oo aysan jirin wax nabad ah oo ay labadaas nin ugu maqanyihiin bulsha dhibaataysan ee Soomaalida Ogadenya.

Odayadu waxay bulshada Ogadenya ugu baaqeen inayna u hogaansamin heensada gumaysiga oo ay adkaysi u yeeshaan inta aynu ka salgaadhayno xoriyada aaynu geesiyaal badan kuwaynay kana soo noqonayso cizigii iyo karaamadi ay bulshada Ogadenya lahayd. Wallow ay odayaashu cadeeyeen sida tabaha cadowga lagu yaqaano inuu shacabka biri ma gaydayda ah uu gumaado marka goobaha dagaalka lagaga soo adkaado, balse ayay dheheen odayaashu arimahan iyo kuwa la mid ka ahi waxay daliil cad u yihiin jabka iyo guul darada haysata gumaysiga.

Isku soo wada duubo shirkan oday dhamqameedyada iyo Jaaliyada Ogadenya ee Gobolkan Minnesota dhex maray ayaa waxaa uu ahaa kulan wakhtigii ku haboonaa dhacay rajawayna laga qabo inuu go'aamadii ka soo baxay ay taaba galaan.



Mohamed Darba’wayne
Minneapolis/Minnesota, USA

 

Read 422 times Last modified on Monday, 12 November 2012 20:20

Leave a comment

« September 2014 »
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
1 2 3 4 5 6 7
8 9 10 11 12 13 14
15 16 17 18 19 20 21
22 23 24 25 26 27 28
29 30          

Who is Online

We have 341 guests and no members online
Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.