Dagaalo ka dhacay deegaano saaran xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo gobalka Hii...
Fadeexadda ku saabsan in duqa magaalada Toronto ee dalka Canada Rob Ford la...
Gudaha magaaladan Boosaaso Maanta oo Arbaca ah waxaa ka dhacay Xaflado waaw...
Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Xubnaha Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa Gaar ahaan Xubnaha Ku sugan Nawaaxiga magaalooyinka Johanne...
Waxaa dad weynaha shartafta leh ee aaminsan midnimada umadda soomaaliyeed iyo dhamaan jaaliyaddaha maamulada Khaatumo State, Awdal State iyo...
Fadeexadda ku saabsan in duqa magaalada Toronto ee dalka Canada...
Taariikhdu waa lama ilaawaan qoran oo tiirsan taasoo loo ree...
Ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenia ayaa wuxuu ...
AM.03-01-13, Qaar ka mid ah ardayda dhigata Jaamicada magaalad Addis abeba ayaa maanta dagaal ku dhexmaray gudaha Jaamicadaasi.Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeeyay ardayda qawmiyada Oromada iyo ardayda kale ee Jaamicadda dhigata.Waxaa dagaalkan ku dhaawacmay ilaa iyo 24 arday oo ka mid ah labada dhinac ee dagaalamay.
Dagaalku waxuu ka dhashay qoraalo aflagaado ah oo lagu qoray (buufiyay) darbiga maktabada ee Jaamicadda,Qoraalku waxuu ahaa aflagaadooyin loo gaystay qawmiyada Oromada oo ka cadhaysiiyay ardayda Oromoda ah ee Jaamicada dhigatay.Dagaalkan oo laysu adeegsaday dhagaxaan waxaa lagu jajabiyay muraayadaha Jaamicada.Dagaalku waxuu ka qarxay oo u badnaa Arad kilo Compus, gaar ahaan qaybta Faculty of nutural sciences.
Mucaaradka Ethiopia ayaa dawladda ku eedeeyay dagaalada iyo rabshadaha mar walba ka dhex dhaca ardayda dhigata Jaamicada Addis abeba,waxayna sabab uuga dhigeen dagaalkan ardayda dhexmaray nacayb ay dawladda dhexe ka dhex abuurtay qawmiyadaha kala duwan ee daga dalka Ethiopia waxayna sababta koobaad uuga dhigeen ku dhaqanka faderalka (federalism) oo ah mabaadiida dawadda dhexe ee Ethiiopia doortay in dalka lagu xukumo.
AM.02-01-13,Wararka ka imanaya G/Gedo ee dalka Somalia ayaa sheegaya in ciidamda dawladda Somalia oo ay waheliyaan ciidanka dalka Ethiopia,wali ku sii siqayaan degmada Baardheere ee G/Gedo ee dalka Somalia.Ciidamada huwanta ah oo ka dhaqaaqay degmada Urufow ee G/Bay ayaa ku hubaysan hub culus oo ay kamid yihiin gawaadhida gaashaaman iyo madaafiida goobta taasoo lagu tilmaamay sababta ayna wali u gaadhin gudaha degmada Baardheere.
Degmada Baardheere ee G/Gedo ayaa gacanta al shabaab ku jirtay tan iyo sanadkii 2007.Maleeshiyada al shabaab ayaa ka xamaan u ruursatay habeen ka hor intii ayna ciidamada dawladda iyo kuwa Ethiopia ka soo dhaqaaqin degmada Urufow ee G/Bay.
Waziirka wazaaradda gaashaandhiga ee dalka Somalia mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Baydhabo.Waftiga waziirka waxaa ka mid ah taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed S/Gaas C/qaadir sheikh Cali Diini iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dawladda Somalia.Waftiga waziirka ayaa booqanay gobolda koonfur galbeed ee dalka Somalia xili ay ka soconayaan hawlgalo lagu soo af jarayo dagaalka lagula jiro maleeshiyada al shabaab.
AM.02-01-13,Ciidamada huwanta ah ee ku sugan magaalad Kismaayo ee G/Jubada hoose, ayaa shaaciyay hawl-gal ay magaalda Kismaayo ka dhex sameeyeen in ay ku soo qabteen rag ka tirsan maleeshiyada al shabaab.
Hawl-galka ayaa lagu fuliyay xaafadaha Farajano iyo Dalcada oo kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo.Waxaa la soo qabtay 15 ruux oo rag ah oo ay 6 kamid ah qirteen in ay katirsan yihiin ururka xag-jirka ah ee al shabaab.Col.Axmad Diini oo ah madaxa nabad-galyada ee ciidamada huwanta ah ayaa sheegay in lala qabtay ragan walxa qarxa ee loo adeegsado qaraxyada.Taliyaha yaa intaas raaciyay in 9ka nin ee aan wali qiran in ay kamid yihiin al shabaab lagu wado baadhitaano lagu ogaanayo.
Hawlgalkan waxaa si wada jir ah u fuliyay ciidmada dawladda Somalia,kuwa Amisom ee dalka Kenya iyo ciidanka deegaanka ee raaskaamboni.Col.Axmed Diini ayaa hoosta ka xariiqay in nabad galyada magaalada Kismaayo tahay mid sugan.