You are here: HomeCiyaaraha
  Xulka Gobalka Nugaal ayaa Galabta natiijo gool ku laad ah ku qaaday koobka 7-aad ee Gobalada Puntland.   Ciyaarta dhexmartay Sool iyo Nugaal ayaa waqtigii loogu talo galay waxay kusoo idlaatay bar bar dhac taasoo noqotay inay labadan xul ku kala baxaan riigoore oo ay markii danbe guushu ku raacday Gobolka Nugaal.   Taageerayaasha Nugaal ayaa dabaal degaya waxayna muujiyeen inay ku faraxsan yihiin guusha Nugaal ay galabta gaartay.     Waa sanadkii labaad…
Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay lugta hore ee Sema Final-ka Koobka Champions League, iyadoo ku hamineysa in markii 10aad ay qaado Koobka Champions League. Ciyaar ka dhacday garoonka Santiago Bernabue ayaa waxa ay Real uga badisay kooxda difaacaneysa koobkan ee Bayern Munich gool iyo waxba. Real Madrid ayaa dar dar ku soo gashay qeybtii hore ee ciyaarta, iyagoo helay fursado goolal loo fishay, waxaana Tababare Angelotti uu ku soo bilaabay Cristiano…
Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay shaqadii tababarnimo ka ceyrisay David Moyes, kadib markii kooxda ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo Koobka Horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League.   Manchester United oo sanadkii hore ku guuleysatay Horyaalkeeda 20aad ee Primeir League ayaa waxaa xilli ciyaareedkan soo wajahay dib u dhac weyn, kadib guuldarooyin is daba joog ahaa oo kooxdu la kulmeysay. David Moyes oo ahaa ninka uu xushay tababarihii hore ee halyeyga ahaa…
Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay Copa Del Rey oo ka mid ah koobabka laga dhigo dalka Spain, kadib markii ciyaartii Finalka aheyd oo lagu ciyaaray garoonka Mastella Stadium waxay 2-1 ay ugu awood sheegatay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona. Real Madrid ayaa waxaa dhaawac uga maqnaa xidigooda Cristiano Ronaldo, laakiin maqnaashihiisa waxaa ilowsiiyay taageerayaasha kooxda ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan Gareth Bale, kaasoo dhaliyay goolkii guusha ee ay koobka ku qaaday. Qeybtii hore ee ciyaarta…
  Isku aadka kulamada semifinalka Champion league ayaa lagu dhowaaqay iyadoo kooxaha reer Spain aysan kulmi doonin. Kooxda dooneysa in koobkeedii 10aad ee Champions League Real Madrid ku guuleysato ayaa semi-finalka Champions League waxa ay is arki doonaan kooxda difaacaneysa koobkaan ee Bayern Munich. Kulankaan ayaana dabcan ah kulanka ugu weyn semi-finalka Champions League iyadoo labadaan kooxood aysan isku cusbeen waxaana ay markii afaraad isku arkayaan semi-finalka. Waxaana ugu danbeysay kulankii ay rigoorayaal ku badisay…
  Isku aadka wareega 8-da ee Champions League ayaa la sameeyay, iyadoo ay isku aadeen kooxo adag oo qaarkood ay aad ugu xafiiltamaan koobka ugu caansan qaarada Yurub. Kooxda difaacaneysa koobkan ee Bayern Munich ayaa ka hortagi doonta kooxda Manchester United oo sanadkii 1999 ku guuleystay koobkan, isla markaana daqiiqadihii u dambeeyay goolal cajiib ah ka dhalisay Bayern Munich. Labadan kooxood ayaa ka mid ah kooxaha ugu waa weyn qaarada Yurub, waxaase kulankooda ugu soo…
Isku aadka wareega 16-ka ee Koobka Horyaalada Qaarada Yurub Uefa Champions League ayaa goor dhow la sameeyay, iyadoo Finalka koobkan oo lagu qabanayo Magaalada Lisbon ee dalka Portugal ayaa waxaa munaasabadii qori-tuurka ka soo qeyb galay Luis Figo oo wakiilka Caasimada Lisbon ee finalka Champions League marti gelin doonta.16-ka kooxood ee u soo baxay tartankan ayaa waxaa loo kala qeybiyay labo qeybood oo kala ah qeybta koowaad ee kaalmaha hore uga soo baxay Group-yada iyo…
Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.