You are here: HomeCaalamkaBarafkii U Horeeyay ee Xiliga oo Toronto Looga Digay

Barafkii U Horeeyay ee Xiliga oo Toronto Looga Digay

Published in Caalamka Thursday, 27 December 2012 03:37

AM. 26-12-12, Ha'yada saadaasha hawada ee dalka Canada ayaa uuga digtay dadka ku nool magaalo waynta Toronto iyo nawaaxigeed barafkii uugu horeeyay ee xagaagan (winter storm) maalinta bari ah.Sida ay sheegtay ha'yada saadaasha hawada ee dalka Canada waxaa lafilayaa in magaalo waynta Toronto bari oo arbaco ah hesho baraf dhan 10-15cm.Isbadalkan hawada ayaa ah mid ka soo socda koonfurta gobolka Ontario waxayna cimaladani iminka soo maraysaa oo ay ku dhufatay magaalooyin iyo deegaano badan oo ku yaala koonfurta Canada oo ah gobolada waqooyi ee dalka maraykanka.

 

War ka soo baxay dawladda hoose ee magaalada Toronto ayaa lagu sheegay in loo diyaar-garoobay qaadista barafka dhacay iyadoo intaas la raaciyay in ay dhamaan wadooyinka waawayn ee magaaladu nadiif noqonayaan ka hor inta aan dad-waynahu u soo kicin shaqooyinka.Iskoolada ayaa xidhan iyadoo lagu jiro fasaxii xagaaga.Kanina waxuu noqon doonaa barafkii uugu horeeyay ee xagaagan ee ka dhaca magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda.

Leave a comment

« September 2014 »
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
1 2 3 4 5 6 7
8 9 10 11 12 13 14
15 16 17 18 19 20 21
22 23 24 25 26 27 28
29 30          

Who is Online

We have 82 guests and no members online
Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.