You are here: HomeCaalamkaYusuf Xasan:Waan Kaqayb-gali Doorashooyinka

Yusuf Xasan:Waan Kaqayb-gali Doorashooyinka

Published in Caalamka Monday, 24 December 2012 16:15

AM.24-12-12, Yusuf Xasan oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka kenya ayaa horay ugu dhaawacmay qarax ka dhacay albaabka hore ee masaajid ku yaala xaafada Eastleigh ee magaalda Nairobi,xildhibaanka oo iminka lagu daawaynahyo cisbitaal ku yaala dalka koonfurta Africa ayaa markii uugu horaysay xaaladiisa caafimaad uuga waramay laanta afka soomaaliga ee BBC.

 

Xildhibaanka ayaa xaaladiisa caafimaad ku tilmaamay mid wanaagsan,waxaa isoo gaaray ayuu yiri dhaawac aad u culus oo ijabiyay gacanta bidix iyo labada lugood.Waxuu sheegay xildhibaan Yusuf Xasan in ay dhamaan kabmeen lugaha iyo gacantuba caafimaadkiisa guudna yahay mid aad u wanaagsan.Xildhibaanka ayaa intaas raaciyay in uusan aqoon cidii ka dambaysay qaraxa balse aytahay shaqada dawladda kenya in la soo qabto cidii falkan gaystay.

 

Xildhibaan yusuf Xasan waxuu sheegay in uu u  cararayo markale xilka uu iminka hayo oo uu si buuxda uuga qayb-galayo doorashooyinka lagu wado in ay dalka Kenya kadhacaan horaanta sanadka 2013.Waxaan si joogta ah uula socdaa shaqooyinka deegaanada layga soo doorto oo si wanaagsan u shaqaynaya,waxaa mar walba ila soo xiriira masuuliyiin xilal waawayn dalka ka haya oo igu booriyay in aan u cararo markale xilkan,waxuuna yiri hadii aana markale isu sootaagin xilka waxay u ekaan fulaynimo diyaar ayaan ahay dadkii horay ii soo doortayna waa diyaar ayuu sii daba dhigay.

Leave a comment

« August 2014 »
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
        1 2 3
4 5 6 7 8 9 10
11 12 13 14 15 16 17
18 19 20 21 22 23 24
25 26 27 28 29 30 31

Who is Online

We have 114 guests and no members online
Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.