You are here: HomeCaalamkaMaxay Ka Wada Hadleen Labada Madaxwayne?

Maxay Ka Wada Hadleen Labada Madaxwayne?

Published in Caalamka Saturday, 22 December 2012 02:58

AM. 21-12-12, Warar hordhac ah oo ka imanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in labada madaxwayne ee Somalia iyo Kenya ka wada hadleen xiriirka labada dal ee dariska ah, sidii loo sii wanaajin lahaa.Wali wax war ah kama soo bixin go'aankii Kenaya ee ku wajahnaa qaxootiga iyo dadka nabad-galyo doonka ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya in lagu daray ajandaha wada hadalka iyo inkale.Dwladda Kenya ayaa talaadadii hore soo saartay war saxaafadeed lagu amrayo dhamaan qaxootiga degan magaalooyinka dalka Kenya in ay galaan xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ku taala xuduuda labada dal ee Somalia iyo Kenya.

                                        

                                 Warar ay soo tabiyeen dad iyagu xog-ogaal ah ayaa sheegaya in labada madaxwayne go'aan isku mid ah ka qaateen oo lagu heshiiyay in wakhti kordhin ku saabsan sii joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee qaarada Africa AMISOM gudaha dalka Somalia si wada jir ah labad dal ee Somalia iyo Kenya uuga codsadeen golaha amaanka ee qaramada midoobay (UNSC).

 

Ciidamada nabad-ilaalinta ee qaaradda Africa AMISOM ayaa horay u haystay ogolaansha golaha amaanka ee qaramada midoobay ilaa iyo bisha Marso 7,2013.

 

Gudaha dalka Somalia waxaa iminka ku sugan inkabadan 17600 oo askari oo ka tirsan ciidamada Amisom,ciidanka dalka Ethiopian ayaan ka tirsanayn ciidamada nabad ilaalinta ee qaaradda Africa ee gudaha dalka Somalia kula dagaalamaya xarakada al shabaab.

 

 

 

Leave a comment

Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.