You are here: HomeAM TVDaawo:Kulankii Beelaha Jubaland ee Nairobi

Daawo:Kulankii Beelaha Jubaland ee Nairobi

Written by  Published in Abyan Media TV Thursday, 27 December 2012 04:13

AM.26-12-12, Dood dheer oo ay yeesheen waxgaradka iyo aqoon yahaynka deegaanada Jubaland state of Somalia waxay soo saareen war saxaafadeed qodobadan hoos kuyaala ka koobnaa:

 

1-Mahad celin urur goboleedka IGAD doorkoodii fududeynta geeddi socodka barnaamijka maamul u samaynta gobolladan.

2-Waxaa laysku raacay,in midnimada Soomaaliyeed ay tahay lama taabtaan muqaddas ah.

3-Dawladda Soomaaliyeed waxay ku dhisantahay Federaal,haddii nidaamka lagu xadgudbana sharciyadda jirtaanka dawladda ayaa halis galeysa.

4-Waxaa la isku raacay,in si dhaqso aha dalka Loogu guuro maamulna loo dhiso.

5-Maamul u dhiska gobolladan waxaa xaq u leh dadka deegaanka ku nool cid soo fara galin kartana ma jirto.

6-Maamulka dhismidoona iyo dawladda Federaalka waxaa kala hagi doona Dastuurka.

7-Waxaa la isku raacay in hadii dawlada Soomaaliya ay ka hortimaado Maamulka dadka deegaanku ay dhisan doonaan kalsoonida ay dadka Deegaanada Jubbooyinku dawladda Soomaaliya siiyeen ay kala noqon doonaan.

Kulanka oo ahaa mid si aad ah loogu heshiiyay ayaa waxaa lagu heshiiyay oo kale in shirka dambe lagu qabto magaalda Kismaayo ee gobolka Jubada hoose,wali wax ku saabsan baaqan kama soo bixin dawladda federaalka Somalia.

Leave a comment

Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.