AM.26-12-12,Sugaanta Soomaalida ayaa wakhtigan casriga ah ku socota xawli aad u sareeya.Waxaa sahlay taknaloojiyada casriga ah,gaar ahaan waxaa aad u sahlay tabinteeda iyo in ay gaarto  dhamaan daafaha dunida aaladda Internet oo suurta galisay fariinta hal abuurka Soomaaliyeed in uu si dhib-yar kuu soo gaadho.
Dagaalkii sokeeye ee Somalia iyo dhibaatada gumaysigu ku hayo dalka iyo dadka s/ogadenia waxaa ka dhashay in ay Soomaalidu degto dalalka xaga teknoloojiyada horumarka ka gaadhay.Tanina waxay  sahashay in suugaanta Soomaalidu la jaan-qaado teknoloojiyadaas,gaar ahaan waxaa qayb wanaagsan ka qaatay aaladaha You tub iyo Face book oo ay iminka Soomaalidu ku soo gudbiso hal abuurka Soomaaliyeed.

