You are here: HomeAM TVHobolada Londan iyo OYSU oo Markale London Wacdaro Kadhigay

Hobolada Londan iyo OYSU oo Markale London Wacdaro Kadhigay

Written by  Published in Abyan Media TV Sunday, 23 December 2012 18:17

AM. 23-12-12,Barnaamij faneed aad loo soo agaasimay oo ah markale iyo isku soo duba ridkii dhalinta OYSU ee London ayaa habeenkii sabtida ahayd lagu daawaday galabeedka magaalada London ee dalka UK.Waxaa u soo daawasha tagay bulsha waynta Soomaaliyeed ee u hiloobay fanka iyo suugaanta Soomaalidu leedahay ee qurb-joogta ah.Ujeedada xafladani waxay mid ku wajahan baraarujin guud iyo taageerada halganka hubaysan ee S/Ogadenia,waxay xafladu ahayd mid lagu soo bandhigay suugaan aad u saraysa oo ka turjumaysa kacdoonka siyaasadeed ee guud ahaan Soomaalida gaar ahaana tan S/Ogadenia ee gobanimo doonka ah.

 

Bandhig faneedka waxaa isku arkay dhalinyarada OYSU iyo fanaaniinta Soomaaliyeed ee gumaysi diidka ah.Waxaa laga qaaday heeso iyo suugaan guud oo kor u qaaday bisaylka siyaasadeed ee xiligan oo ah mid ku salaysan Soomaalida oo guud ahaan dareen ka muujisa dhibaatada guud ee Soomaalida dagta mandaqadda geeska Africa.Waxay ahayd mid laga qaaday heeso soo jiitay garaadka siyaasadeed ee mawaadinka Soomaaliyeed,heesahan waxaa dhamaantood lagu cabiray rabitaanka shacabka guud ee Soomaalida meel kasta oo uu joogo.

Heeskan qiirada badan oo kamid ahaa suugaantii hobalada London iyo dhalinta OYSU ka qaadeen madasha ayaa dhaliyay dareen wadaninimo iyo waliba xasuustii halganadii Soomaalidu ku doontay in S/Ogadenia helaan xoriyad iyo gobanimo buuxda,waa Xasan chaja,Jimi iyo jaamac yare.

 

Hobolada caanka ah ee barnaamij faneedkan ka qayb galay waxaa ka mid ah fanaanka codka macaan Jamac yare,fanaanka tumida muusikada laxan saaridda iyo codkaba eebe hibada u siiyay C/salaam jimi,Wiilka sanadka ee OYSY Xasan chaja,fanaanka dada yar ee codka macaan Maxamed Yusuf,C/salaam Wajaale,Xaawo Luul iyo abwaanka da'da yar ee hal-abuurka ku caan-baxay Suldaan.Barnaamijku waxuu ahaa mid aad looga helay.

                                                      

 

                                                                    

Leave a comment

Copyright © 2014 Abyan Media. All Rights Reserved.