AM.20-12-12,Tan iyo markii lagu dhawaaqay saymaynta dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland sate of Somalia waxaa soo baxaya dagaal ka dhan ah rabitaanka iyo bisaylka siyaasadeed ee bulsha-waynta ka soo jiieda gobolada jubada hoose,jubada dhexe iyo gobolka Gedo.
Saxaafadda asal ahaan ku abtirsata ama taageerta in aan dalka Somalia nadaam dawladnimo abid ka dhalan ayaa bilaabay borobagaando lagu hurinayo colaad iyo dagaal dhex mara beelaha Soomaaliyeed ee wada daga.Hurinta colaada waxaa u tafa xaytay qaar ka mid ah saxaafadda caalimiga ah balse ay gacanta ku hayaan mooryaan aan rabin in dalka Soomaaliya yeesho nadaam iyo kala dambayn.Nala dhagaysta waraysigan jawaab ta ah ee dagaal oogayaasha hawada loo marinayo.

