AM.27-11-2012, Barnaamijka todobaadka iyo radio abyan ee maanta waxaan kusoo qaada-naynaa xaflad aad u balaaran oo si wayn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hotel ku yaala galbeedka magaalo waynta Toronto.Ujeedada xafladu waxay ahayd mid lagu taageerayo dhimaha dawlad goboleedka soomaaliyeed ee Jubaland state of Somalia,waxaa xafladda ka soo qayb galay guud ahaan qurba jooga soomaaliyeed ee reer Toronto iyo magaalooyinka deegaankaas.Waxaa ka hadlay aqoon yahanka iyo hogaamiyayaasha bulshada ee Soomaalida degan gobolkan Ontario.Waxaana guud ahaan aad loo soo dhaweeyay dhismaha iyo jiritaanka Jubaland state of Somalia.

